Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya oo Saxiixay Siyaasada Xuquul Insaanka ee wasaaradaasi

Wasiirka difaaca ee Xukuumaddda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta saxiixay laba siyaasadood oo kala ah Siyaasadda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Siyaasadda tababarada ee Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo muhiim u ah howl maalmeedka baaxadda leh ee Wasaaradda.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Wasaaradda u qabto dhaqan-gal ka iyo dardargelinta labada Siyaasadood ee uu maanta qalinka ku duugay.
Sidoo kale Siyaasada Tababaradda ayuu ku tilmaamay in udub -dhexaad u noqon doonto hagidda tababaradda iyo jiheynta sare-u-qaadidda aqoonta howlwadeennada Wasaaradda iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xafiika Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com