Wasiirka Caafimaadka Britain oo la ilmeeyay qisada Wiil Soomaali ah oo u dhintay Covid-19

Wasiirka Caafimaadka UK, Matt Hancock ayaa sheegay in loo ogolaan doono in dadkooda booqdaan ayna macsalaameeyaan dadka da’da ah ee loo badinayo in aysan ka bad baadeyn caabuqa Caronavirus.

Waxa uu sheegay Matt Hancock in dadku dabeecad u tahay in ay soo sagootiyaan eheladooda sakaraadka ah, waxa uuna xusay in lagu xaddidayo halista cudurkan isla markaana loo ogolaado dadka in ay sagootiyaan eheladooda aadka u isha daran.

“Waxaa farxad ii ah in aan shaaciyo in innaga oo la shaqeynayno xarumaha caafimaadka, goobaha lagu daryeelo dadka da’da ah iyo qeybaha kale ee bulshada aan soo hindisi doonno tallaabooyin cusub oo ay tahay in aan ku xaddidno halista cudurkani, innaga oo dhanka kale isku dayayno in aan u ogolaanno dadku in ay sagootiyaan eheladooda isha geeriyaad leh.”ayuu yiri Matt Hancock.

 

Wasiirka Caafimaadka UK ayaa sheegay in uu aad u ilmeeyay markii uu maqlay xaaladda Ismaaciil Maxamed Cabdulwahaab oo 13 jir ahaa oo bishii la soo dhaafay cudurka Covid-19 ugu dhintay isbitaal ku yaal  London balse aaskiisa aanay ka soo qeybgalin waalidkii iyo eheladiisa kale maadaama ay karantiil ku jireen.

Geerida wiilkan Soomaaliyeed ee magaalada London ugu geeriyooday caabuqa Caronavirus ayaa lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada, waxaana qoyska wiilkan aad uga murugeesnaayeen in aysan arkin wiilkooda oo xanuunsan sidoo kale aaskiisa ka qeyb galin.

Dad badan ayaan nasiib u helin in ay sagootiyaan ama arkaan ehelkooda oo u dhintay caabuqa Caronavirus, mana shaacin dowlada Britain xiliga ay isbadalka ku sameeneyso qorshahan dadka loogu ogolaanayo in ehelkooda dhimanaya sii sagootiyaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com