Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabbilay safiirka dowladda Qadar u jooga Soomaaliya Xasan Bin Xamsa Asad.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo safiirka Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar.
Dowaladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto-dheer oo taariikhi ah, iyadoo sanadihii u dambeeyayna uu aad u kobcayay cilaaqaadka labada dowladood.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com