Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya oo khadka Telefoonka kula hadlay Dhiggiisa Dalka Tuuniisiya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta  Soomaaliya  Maxamed Cabdirisaaq  Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Tuunis,  Cismaan al-Jarandi.

Labada mas’uul  ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda  ayaa uga mahadceliyay Tuunis  kaalinta fir-fircoon ee ay ka qaadaneyso difaacidda danaha Carabta iyo Afrika marka la joogo golaha ammaanka oo ay Tuunis ka tahay xubin aan joogto ahayn.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Tuunis ayaa sheegay in dalka Tuuniisiya ay taageeraayo geedi socodka siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com