Wasiirka Amniga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Saraakiishii joojiyay banaanbaxa

Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in loo soo gudbiya cabasho ka dhan ah Booliska oo ku aadan inay waxyeelo u geysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed.

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed ayuu yiri’ Wasiirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ku sameyn doonaan sida ay wax u dhaceen, waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas uu sheegay in uu u xaqiijinayo in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay Shacabka in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada lana aqbali karin wax rabshada ah.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa yimid kadib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga Axmed Macalin Fiqi ay sheegeen in Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Kaniif & Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole joojiyeen dibadbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble.