Wasiiradda Waxbarashadda Soomaaliya oo soo saaray War Murtiyeed

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shirk ku saabsan imtixaanka qaranka ee sanada 2019/2020 waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada.

Sidookale waxaa shirka Goob jog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.

1 Qorshaha imtixaanka qaranka fasalka 8-aad iyo fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka fasalka 12-aad oo ah waajibaad qaran oo dhawaan la galayo.

2-In la dhowro masuuliyada dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda soomaaliyeed.

3- Sidoo kale waxaa leesla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hergaliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.

4-Waxaa leesku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 25 ilaa iyo 29 abril waxana leesla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso wasaaradda waxbarashada XFS.

5-sidookale waxaa leesla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islmarkaan ay hada xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka qaranka.

 

Xafiiska Wararka, Muqdisho 

Info@aragticusub.com