Wasiir Xundubeey” Xaalada amniga waxa ay gaartay heer aanan gacmaha laga laaban karin”

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay, kaas oo kaga hadlay rabshadihii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu sicad u sheegay in xaalada ay marayso heer aanan gacmaha laga laaban karin.

Waxa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay u turayeen shacabka oo ay diidanaayeen in dadka lagu dul dagaalamo, balse hadda xaalada ay gaartay heer halis ah oo ay tahay in talaabo laga qaado.

“Maalmahan waxaa magaalada kusoo kordhay dad dhaqan mooryaan leh, oo guryaha jabsanaya, oo dadka dilaya, oo aad mooddo in ay kusoo ganbadeen waxyaabihii maalmahan jirey” ayuu yiri wasiir Xundubeey oo madaxda mucaaradka ugu baaqay in aysan gabbaad u noqon kooxo aysan iyagu maamulin.

Sidoo kale waxa uu wasiirka sheegay in Al-Shabaab iyo Dowladda Islaamka ee Daacish laga yaabo in ay ku dhex dhuuntaan waxyaabaha dhacaya sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Muqdisho ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo kiwa Mucaaradka, isla markaana markasta la filan karo inay dagaalamaan.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com