Wasiir Xamza: oo cambaareyy dadkii lagu dilay Gololey

Xamza Saciid Xamza, Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Somaliya ayaa si adag u cambaareeyay falkii arxanka darnaa ee shalay ka dhacay Deegaanka Gololey, oo hoos-tagga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

 

Wasiirka ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay falkaasi iyo ciddii ka dambeysayba, tallaabada lagu dilayna ay caqabad ku noqoneyso in la caawiyo dadka Soomaaliyeed, xilligan adag.

 

Wasiirka ayaa yiri “Aad ayaan uga xumahay dilka masiibada ah ee loo geystay dhalinyarada ka shaqeynaysa gargaarka, kana hawlgalaayay xarun caafimaadka oo ay maamuleysay Hay’adda Zamzam, kooxda ay afduubatay ka dibna dishay shaqaalaha.”

“Wuxuu qalbigeyga la gubanayaa qoysaska, asxaabta iyo dadkii la shaqeynayay oo hadda wajahaya xanuun aan la qiyaasi karin.”

“Dhibaato la gaarsiiyo shaqaalaha gargaarka waxay curyaaminaysaa in dadka u baahan gargaarka la caawiyo, gaar ahaan xilligan oo uu jiro saf-marka halista ah ee COVID-19.”

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com