Wasiir katirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo Xildhibaan loo doortay

Weli waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ka socota doirashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay Xildhibaanka labaad ee Golaha Shacabka ee degaan doorashadiisu tahay Hir-Shabeelle.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa ku Guuleeystay kursiga tirsigiisu yahay Hop055  kadib markii Musharaxii la tartami lahaa ee Maxamed Cumar Cali uu goobta soo xaadirin.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceemooy ayaa cod gacan taag ah loogu codeeyay, isaga oo helay Codad garaaya 73 Cod halka Maxamed Cumar Cali uu helay 13 Cod.

Dorashadan ayaa ka socoota magaalada Jowhar ee Gobolka Shabelaha Dhaxe ayaa kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ka socota dhamaan dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com