Wasiir ka tirsanaa Jubbaland oo isku casilay arrinta Wasiir Janan.

Wasiirkii qorshaqeynta maamulka Jubbaland Aadan Aw-Xirsi ayaa maanta oo Jimca ah waxaa uu iska casilay xilkii wasiirnimo.

waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo uu ka tegay shaqadii Wasiirka qorsheyta Jubbaland kadib markii sida uu yiri maamulkiisu uu gacansiinayo nin ka baxsanaya caddaaladda isla markaana dembiyo galay sida uu hadlka u yiri.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twetterka ayuu ku yiri diyaar uma ihi in aan kasii mid ahaado maamul u dabaaldegaya nin baxsad ka ah cadaaladda oo dembiyo ka galay dadka oo uu ugala jeeday Wasiirka amniga Jubbaland oo maanta doon  ay ka dejisay xeebta magaalada Kismaayo.

“Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii Wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta Jubaland. Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga ayuu yiri” Aw-Xersi.

Hadalka wasiirka ayaa imaanayo xili Magaalada kismaayo manta si heer sara ah loog soo dhaweeyay wasiirki Gaashaandhiga Jubaland Abdirashid Janan oo in muda ah dowlada u xirnaa.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com