Wasiir Jamaal Maxamed xasan oo sheegay in Puntland Cadaadis ay ku haayaan shacabka Degmada Dahar

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Xilgarsiinta , Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka hadlay bannaanbax shalay ka dhacay degmada Dhahar.

Wasiirka qorsheynta XFS  ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay hub culus iyo rasaas u adeegsadeen shacab bannaanbax nabdoon ka samaynayay magaalada Dhahar.

WasiirkaJamaal  oo qoraal kooban soo dhigay Twitter-ka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in shacab bannaanbax nabdoon samaynaya loo adeegsado hubka culus iyo Rasaas nool-nool.

Wasiir Jamaal, ayaa sheegay in ay waajibtahay in madaxweyne Deni iyo Maamulkiisa  lagula xisaabtamo falkan, waxaase xusid mudan in Puntland ay beenisay warka ku saabsan in xabbad loo adeegsaday shacabka Dhahar

Sidoo kale wasiir Jamaal maxamed xasan ayaa ku Eedeeyay maamulka Puntland in Cadaadis ay ku hayan wariyaasha ku sugan degaanada Puntland kana hortaagan yihiin in ay soo tabiyaan dhacdooyinka ka jira degaanadaPuntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com