Wasiir Fowziya oo soo saartay Amaro lagu Xakameeynayao Cudurka Covid19

Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday inay u hoggaansamaan tallaabooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka cudurka Karoona xilli cudurka uu kusoo laba kacleeyay halkaas.

Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in uu aad u sarreeyo heerka isku gudbinta cudurka sidaas darteedna ay badatay tirada dadka u dhimanayo cudurka.

Waxay intaas ku dartay inay u muuqato in nooc cusub oo cudurka Covid-19 ah uu dalka fara ba’an ku hayo.

“Isu gudbinta cudurka aad buu u korreeyaa, weli sheybaar laguma xaqiijinin nooca cudurka ee isbaddalay ama in uu yahay kii hore ama in kale laakiin dhakhaatiirta iyo dadka culuunta ku takhasusay shaki weyn ugama jiro in uu yahay mid cusub oo ka duwan isku gudbiskiisa iyo dhimashada oo aad u badatay”

Arrintan ayaa kusoo aadeysaa xilli mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay maanta shir jaraa’id ku qabteen Muqdisho si shacabka loogu baraarujiyo inay racaan talooyinka caafimaadka ee lagu xakameynayo cudurka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com