Wasiir Dubbe oo u digay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya

Wasiirka warfaafinta eeXukuumada Xilgaarsiinta Dalka , Cismaan  Abukar Dubbe magaalada ayaa sheegay in qoraallo ay soo saareen safiirada dalalka shisheeye qaarkood aysan waafaqsaneyn shuruucda diblumaasiyadeed.

“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan. Waxaa jira Danjireyaal u soo dira Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed farriimo aan waafaqsanayn shuruucda caalammiga ah, kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin”, ayuu yiri wasiir Dubbe.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qoraallo adag lasoo dhigay baraha bulshada ee safaaradaha shisheeye qaarkood, taas oo u muuqatay mid lagu canaanayo dhinacyada Siyaasada Soomaaliya ee wali isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com