Wasiir Dubbe oo sheegay in uu dhaqan galay Amarkii Dawlada ay soo rogtay ee Xakameynta Covid19

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro cusub oo lagu sheegay in lagaga hortagyo fiditaanka fayraska korona maadaama oo cudurka Covid-19 aad ugu soo laba kacleeyey dalka.

Wasiirka warafaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in tallaabooyin looga dalka si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19 sida in la xiray iskuulaada, jaamacadaha, in la xaddiday isu socodka gudaha dalka iyo in cudurka laga baaro dadka dibadda ka imaanaya.

Wuxuu intaas ku daray in lagu heshiiyay in mucaaradka Sabtida ay qabsan doonaan dibadbaxa balse lagu xiray labo arrin.

“Dibadbax lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday”

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com