Wasiir Dubbe: ma yeeli doono in mar dambe dib loo dhigo Dacwadda Badda

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa ka hadlay kiiska dacwadda badda ee u dhexeeya dalkeena Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Dubbe, ayaa  tilmaamay  in dowladda Federaalka Soomaaliya ay s warqad u qortay Maxkamadda ICJ, islamarkaana ay u caddaysay in aysan aqbali doonin dib u dhigidda Kiiska badda labada dhinac, kadib markii Kenya ay codsatay in dib loo dhigo

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba yeeli doonin dib u dhigis dambe in lagu sameeyo kiiska dacwadda badda oo la dhegaysan doono 15-ka Maarso 2021, maadaama dhawr jeer la aqbalay codsiga Kenya oo ku saabsanaa in kiiska dib loo dhigo.

Wasiir  Dubbe ayaa Xusay in Kenya ay duullaan ku tahay guud ahaan dalka Soomaaliya, balse dowladdu ay diyaar u tahay in ay dalka difaacdo sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com.