Wasiir Dubbe : Golaha Badbaado Qaran waxa ay caqabad ay ku yihiin doorasho dalka ka dhacda

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in shirka arrimaha doorashada lagu qaban doono xarunta Afisyooni ee Muqdisho.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ay ka go’antahay hirgelinta arrimaha doorashada, islamarkaana shirkan lagu xallin doono muranka weli ka taagan hannaanka doorashada dalka.

Cismaan Abukar Dubbe, wuxu sidoo kale Caddeeyay  in shirka ay caqabad ku yihiin siyaasiyiinta ku midoobay Golaha Badbaado Qaran, oo sida uu sheegay aan doonayn in xal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan doorashada.

Wasiir Dubbe ayaa ugu dambeyntii tilmaamay dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay meel kasta oo lagu qabto shirka ku saabsan arrimaha doorashada dalka, si ay dalka uga qabsoonto doorasho heshiis lagu yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com