Wasiirka Arrimaha gudaha ee maamulka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa xoghaye cusub u magacaabay degmada Gaalkacyo.
Wasiirka arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa xoghayaha cusub ee Gaalkacyo u magacaabay, Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax (Geesa-weyne) ka dib wareegtyo uu soo saaray .
Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale ku amray maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, in ay fuliyaan dhaqan-gelinta magacaabista xoghayaha cusub.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com