Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo socdaal ku tagaya gobolka Gedo

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre ayaa la filayaa inuu gaaro Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmooyinka Garbahaareey,Luuq iyo Baladxaawo.

Wasiir Cabdilaahi Goodax Bare ayaa haddii uu gaaro Xaruunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey waxaa uu dhagax dhigi doonaa xaruumo  waxbarasho oo qeyb ka ah mashruuca horumarinta Dugsiyada waxbarashada Dalka isagoo usii gudbo doona Degmada  Luuq ee gobolka Gedo

Sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa waxay safarkooda kusoo gaba-gabeyn doonaan Magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo oo ay ka dhagax dhigi doonaan goobo  kale oo lagu xoojinayo waxbarashada Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com