Wasiir Cabdi Xuseen: Gedo oo dhameystiran Haddii la soo celin waayo shir kama qayb galayno

 Wasiirka warfaafinta ee Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, ayaa caddeeyay mowqifkan.

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u hadlayay si caro leh.

Wuxuu intaas kusii daray: “Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

Laakiin xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, oo isagana doodda qeyb ka ahaa ayaa difaacayay eedeymaha loo jeedinayay dowladda federeelka. Wuxuu ka jawaabay hadalka kasoo baxay wasiirka warfaafinta Jubaland.

“Waxaa la yaab leh wasiirku marna wuxuu leeyahay madaxweyne marna wuxuu leeyahay dal buu qabsaday. Soo madaxweynihii dalka ma aha? Meel la qabsaday annagu ma naqaanno, mana aannaan arag. Wax aan micno lahayn in doorashada lagu hakiyo ma aha. Hadda wasiirku go’aan buu gaadhay oo wuxuu yidhi annagu doorasho qaban meyno, mana rabno dooarsho. Hadde waayahaye marka umadda Soomaaliyeed bay u taallaa arrintaasi, wayna na dhageysanayaan, annagu laakiin doorasho ayaan rabnaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Sakariye.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa u dhexeeya arrimo sababay in khilaafka doorashada uu sii xoogeysto, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo.

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafnay January waxaa magaalada baledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

Bilowgii bishii September waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo la xiriiray isla arrintaas ka dib ciidamo in muddo ah isku hor fadhiyay magaalada Beledxaawo oo dowladda ay geysay ciidamo.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com