Wasiir Beyle oo shir gudoomiyay shirka Wasiirada Maaliyada Dawlada Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada

Sii Hayaha wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shirka  guddoomiyaya shirka wasiirada maaliyadda ee Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka shirkaas oo lagu qabtay  Habka Muqaalka Fogan araga ee Mareegta Internetka . Waxaana looga hadlay sidii xoogga lagu saari lahaa hormarinta dhaqaalaha dalka.

 

Qoraal uu bartiisa Face Buugga soo dhigay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u qornaa sidaan:

 

“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federal ka Soomaaliya.kaasi  aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo wada shaqeynta. Ayuu yiri wasiir Bayle.

 

Sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr. cabdiraxmaan Ducaale bayle ayaa sheegay inay ka go’antahay  in si wadajir looga wadashaqeeyo kobsinta dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com