Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale ayaa kawarbixiyay bashruuc ay wada saxiixeyn asiga iyo duqa muqdisho Cumar Finish.
Wasiir Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Mashuuca marka hore loogu talagalay inay ka wada qeyb qaatan shanta Maamul Goboleed ee dalka iyo Gobolka Banaadir, hayeeshee markii ay saxiixeen kadib Cabashooyin laga keenay, isla markaana Go’aan lagu gaaray in la joojiyo Mashruucaas oo ku kacaayay 112 Milyan oo Dollar.
Sidoo kale waxaa uu Wasiir Beyle tilmaamay in Mashruuca dib u eegis lagu sameeyn doono, isla markaana dhamaan ay ka qeyb geli doonaan Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo cid kasta uu shaqo leh arrintaas.
Mashruucaas ayaa ujeed kiisu ahaa inlagu dhisidoono gobolada dalka sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, hayeeshee waxaa lagareebay magaaloyinka Jowhar,dhusamareeb Baladweyn oo habayaraaten lasoo hadal qaado.
Xafiiska Wararka,Muqdisho
Info@aragticusub.com