Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Talyaaniga uga qaybgalay shirka Beeraha Adduunka oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 170 dal.
Shirkaan ayaa looga hadlay Horumarinta Beeraha iyo Reer Miyiga, iyadoo shirka kadib Soomaaliya bixisay qoondada sanadlaha ee IFAD. taas oo Keentay in ay Soomaaliya hesho Mashaariicda Horumarineed ee dhanka Beeraha oo ay ka mid tahay Mashruuca horumarinta hab-nololeedka reer miyiga (RLRP).
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka DFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa dhanka kale kulamo la yeeshay madaxda kale duwan ee shirkaan kasoo qeybgashay, isaga oo u soo bandhigay fursadaha Maalgeshi ee dhanka beeraha ee dalkeenna ka jira.