Wasarada Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Xogtii Ugu dambeysay ee Covid19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in la diiwaan geliyay 304 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 3 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Tilmaamtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (147) Hirshabeelle (77) Somaliland (53), Jubbaland (15) Galmudug (2) iyo Koonfur Galbeed (5) qof, 185 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 119-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,991 waxaa bogsootay 3,787 Ruux. guud ahaan 231 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku celisay mar kale inay muhiim tahay qaadashada tallooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com