Wasaaradda caafimaadka oo soo ku baaqday in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona oo kusoo laba kacleeyay Soomaaliya.

Fowsiya waxay sidoo kale sheegtay in ‘xaaladda ay tahay mid daran isla markaana lasii wadayo dadaallada lagu xakameynayo cudurka” ayay ku qortay barta ay ku leedahay Twitter-ka.

Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19,loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka. Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com