Wasaaradda Caafimaadka oo diiwaan Gelisay xaalado Cusub oo COVID-19 Ah

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 29 qof, waxaana geeriyooday hal bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 24 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 10-ka kale ay yihiin haween.

25 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay deegaannada Somaliland 19, halka Galmudug laga diiwaangeliyay 15 Ruux.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,368 waxaa bogsootay guud ahaan 470 ruux. Halka 84 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.