Wasaaradda arimaha guddaha oo daah-furtay shir looga arinsanayo nidaamka diiwaangalinta madaniga ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Adam Abdinasir ayaa maanta daahfuray Shirka heer wasiir ee looga arrinsanayo dib usoo celinta nidaamka diiwaangalinta Madaniga iyo tira koobka Muhiimka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin heer wasiirro ah oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya
shirkaan ayaa qayb ka ah shirarka xfs ay ku dardar gelinayso hawlaha horyaala waxaanaka qayb galay dhammaan wasiirada arimaha gudaha ee maamul goboleedyada dalka kajira.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com