Wasaaradda Amniga oo ku dhawaaqday inay fasaxday dibadbaxa khamiista

Wasaarada amniga Soomaaliya oo uu Wasiirka ka yahay Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaacisay inay fasaxday Banaanbaxa berri ka dhacaya Muqdisho, kaas oo ah mid lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble loogana soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo ku taariikheysan 10-kii Bishaan ayaa waxaa lagu sheegay in banaanbaxa ay Wasaaradda ka codsadeen Golaha Bulshada Banaadir in hay’adaha amniga ay amnigooda sugaan inta ay banaanbaxa oo ay ku muujinayaan dareenkooda siyaasadeed & taageerida dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Qoraalka Wasaaradda amniga ayaa lagu shaaciyay in banaanbaxa uu ogyahay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Filish, iyada oo shalay uu Maamulka Gobolka sheegay in aan la aqbali dooni banaanbaxa, waxaana la faray Saraakiisha Hay’adaha Amniga inay sugaan Amniga banaanbaxayaasha.

” lyada oo la tixgelinayo xuquuqda dastuuriga ah ee bulshada u leedahay in ay qabsadaan isu soo
bax nabadeed sida ku cad qodobka 20aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah waxaa la farayaa
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir
in ay sugaan amniga dibad baxayaasha muddada ay samaynayaan dibad baxa nabadecd.

Ugu dambeyn guddiga qaban qaabada dibadbaxa nabaneed ayaa  waxaa lafara in ay ka fogaadaan wax rabshada ah sidoo kalana si dhow ula shaqeeyaan hay ‘adaha sugaya amniga dibad baxayaasha.

lama oga sida uu noqon karo xaalka Magaalada Muqdisho ee la xiriira banaanbaxa, iyada oo la ogaa in Bishii Abriil ee sanadkii tegay ee 2021 Muqdishoagu rasaaseeyay Shacab iyo Xubno kamid ah Midowga Musharrixiinta oo banaanbax dhigayay.