Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo soo Bandhigtay Natiijada Imtixaanka Ardayda Dugsiyada Sare ka Aflaxday

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Si Rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka dawliga ah ee laga qaaday Ardayda dugsiyada sare dhammaysay sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka.
Tirada guud ee ardada imtixaanka oo ka dhcay 114-xarun gahay oo ahayd 33,727 ayaa waxaa gudbay 25,177 gudubtay , waxaana haray 8,550-arday

Tobanka Arday ee Ugu Sareysa Natiijada Imtixaanka ayaa Sidaan U kala galay:

1-Sayid-cumar C/raxmaan Colaad Cali oo ka baxay dugsiga jaabir binu Xayaan kuna baasay 92.43%
2- Cabdullaahi Ciise Siyaad oo ka baxay dugsiga Axmed Gureey, kuna baasay 92%
3-Sahra Cabdullaahi Abuukar oo ka baxday dugsiga Mucasar science kuna baastay 91.93%
4- Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo ka baxay dugsiga Mujamac Yaaqshiid kuna baasay 91.86%
5-Cabdinuur Xuseen Maxamed oo ka baxay dugsiga Maxamuud Xarbi kuna baasay 91.836%
6-Fardoawsa Maxamed Maxamuud oo ka baxday dugsiga waaberi Gaalkacyo kuna baastay 90.43%
7-Fawdsa Daahir Cali oo ka baxday dugsiga Al-anwaar sare kuna baastay 90.43%
8-Cabdifitaax Cabdulaadir Axmed oo ka baxay dugsiga Ablaal Guriceel kuna baasay 90.29%
9-Safiyo Maxamed Nuur Maxamed oo ka baxday dugsiga Baidoa kuna baastay PS 90.14%
10-Faadumo Axmed Cali oo ka baxday Imaamushaafici kuna baastay 90.14%

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com