Wasaarada Caafimadka oo ka hadashay Badqabka Talaalka Astrazeneca ee Covid19

Qoraal ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee Xukuumadda Xilgaarsinta Soomaaliya ayaa looga hadlay shaki gelinta la xiriirta talaalka COVID-19

Wasaaraddu waxay sheegtay in talaalka uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana badqabkiisa ay tijaabiyeen khubaro caafimaad oo caalami ah oo ka tirsan hey’adda WHO iyo hey’adda caafimaadka Midowga Yurub ee EMA.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalalkii dhowaan si ku meel gaar ah u hakiyay talaalka ee Reer Yurub ay hadda sheegeen in ay dib u bilaabayaan isticmaalkiisa.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com