Wasaarada Caafimaadka oo soo gudbisay Xogtii ugu dambeeysay ee Cudurka Covid19

Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 117 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 7 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 36 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa sheegay in xaaladaha cusub laga kala diiwaan geliyay gobalka Banaadir (83), Somaliland (32) iyo Jubbaland (2) qof, 73 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 44-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,438 waxaa bogsootay 4,004 Ruux. guud ahaan 307 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com