Wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliya oo ka warbixisay xogtii ugu dambeysay Covid19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta ah ee xogta Covid19 ee maalinlaha ah ku sheegtay in la diiwaan geliyay 42 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 5 ruux.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (29) gobalka Banaadir (10) iyo Koonfur Galbeed (3) qof, 31 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 11-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 9,968 waxaa bogsootay 4,424 Ruux. guud ahaan 419 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Xilgaarsiinta Dalka Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada Ugu baaqday inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com