Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Baaq u dirtay Beelihi ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa baaq u dirtay beelaha walaalaha ee ku dagaalamay qaybo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiinta Wasaarada ayaa Sidoo kale ayaa booriyay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhallinyarada, ururrada haweenka iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan mas’uuliyiinta ka socda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa labada dhin ee dagaalamay ee ee walaalaha ah oo ay dirirtu dhxemartay ka dalbaday inay si sharuud la;aan ah ku joojiyaan colaadda.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com