Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo xaalad quus ah jooga

Saddexdii Sano ee ugu dambeeysay ee Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ay Saxaafadda Soomaaliya wajahayeen caqabado dhowr ah oo isugu jira,caburin cabsi gelin iyo xarig.

Wariyeyaal farabadan ayaa la xiray,kuwa ayaa Shaqadooda lagu handaday halka kuwo ay dowladda Soomaaliya ugu xiran yihiin sifo sharci darro ah, iyada oo aan wax maxkamad ah la horgeyn.

Soomaaliya ayaa kamid ah, meelha ugu qatarta badan ee ay wariya-yaashu ka hool galaan waxaana sixad dhaaf ah ay ulakulmaan  handadaan cagajugleen cabsigalin iyo jirdil joogta ah.

Bishaan gudaheeda ayaa ladilay 2 wariye halka qaarkalanah lagaraacay oo laga jejebiyay qalabki ay ku shaqeeynayeen .