Wariye ka Titrsan BBC oo lagu xiray Gobolka Tigray

Milatariga dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay weriya ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Girmay Gebru, oo u shaqeeyta laanta Tigranya ee BBC-da ayaa laga qabtay mukhaayad ku taalla caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Afar qof oo kale ayaa lala xiray.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in rag xiran dharka milatariga ay kaxeysteen shantaasi qof.

Ma cadda sababta loo xiray raggaasi. BBC-da ayaa heshay warar sheegaya in raggaasi loo qaaday xero milatari oo ku taalla Mekelle.

Gobolka Tigray ayaa waxaa gacanta ku hayay milatariga tan iyo bishii Nofeembar ka dib markii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed amray in milatariga ay xukunka ka tuuraan kooxda TPLF ee maamulayay gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com