Wariye Caawa Lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Allah ha u naxariistee weriye Jamaal faarax Aadan oo ka tirsanaa suxufiyiinta ka hawl gala magaalada Gaalkacyo ayaaCaawa  maqribkii lagu dilay agagaarka xerada Siinaay eeWaqooyiga  magaalada Gaalkacyo.

Laba Nin oo Hubeysan ayaa la sheegay in wariyaha ay ugu tageen goob ganacsi oo uu ku lahaa waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaana la sheegay in ay iska dhigeen Dad wax iibsanaya balse mar qura la beegsaday xabado isga iyo qof kale oo meherada la joogay

Horay waxaa magaalada Gaalkacyo uga dhacay dilal noocaan ah oo lala beegsaday mas’uuliyiin iyo dad rayid ah intaba kuwaas oo qaarkood ay sheegteen ururka Al-shabaaab.

Marxuumka geeriyooday ayaa ahaa wariye ka hwalgali jiray Magaalada Gaal;kacyo lamina Oga sababta loo dilay wariyahaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com