Wariiska Gaashandhiga oo sheegay in ay talaalo sharci ah ka qaadi doonan cidii ku shaqeyso amarka Farmaajo

Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay xiisadda u dhaxeyso madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday Farmaajo.

“ Sida wasiirka Amniga faahfaahiyey dalkaan waxaa Maanta ka dhacay Afgambi dhicisoobay, afgambigaas waxaa geystay oo ka shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sababta Farmaajo ku kaliftay inuu tallaabadaan qaaday ku sheegay inay tahay sidii uu u boobi lahaa doorashada isagoo ciidamada Dowladda u diray digniin culus.

“ Dhibaatada intaas la eg sababta loo marayo waa dareemi kartaan waa doorashada darteed, waxaana dhammaan ciidamada Qalabka sida ugu baaqeynaa inaysan ka qeybgelin falalka noocaan oo kale ah, intii saaka isku dayday inay la wareegto xafiiska Ra’isulwasaaraha waxaan ku eegi doonaa il gaar ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiir Jaamac ayaa kusoo aadayo xilli M/weeyna muda xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu maanta xafiiska R/wasaaraha xukuumada Xil garsiinta cidamo kulawareegay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com