Wararkii ugu khasaare ka dhashay duqayn loo geystay Laascaanood

Wararka imaanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka uu  maanta markale ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay maalintii 15-aad oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa waxaa  Wararku ay sheegayaan  inuu bilowday ka dib markii Ciidamada  Somaliland ay weerar ku soo qaadeen Fariisin ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin  duleedka L degmada Laascaanood .

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen  hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ciidamadda Somaliland ayaa  lagu eedeeyay inay weli madaafiic ku ridayaan Laascaanood taas oo uga sii dartay  xaalaa ka jirta magaaladaas. Oo ay isaga barakaceen inta badan dadkii deganaa  .

Madaafiicda ku soo dhacda xaafadaha magaalada laascaanood ayaa waxa ay khasaare ka soo gaartaa dadka shacabka ah ee ku  nool.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com