Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya Ciidamada Galmudug iyo kuwa dawlada Federaalka oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna ay isku hor fadhiya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dawlada Federaalka ayaa dhowr jiho ka go’ doomiyay Magaalada Guiriceel ee gopbolka Galgaduud’ Halka Ciidanka Ahlusunna weli ku sugan jppgaan gudaha iyo banaanka magaalada Guriceel .
Wararka ayaa sheegay in Ciidanka Ahlusunna ay xalay dhaq dhaqaaqyo xooggan ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Guriceel oo ay difaacyo xooggan ka sameysteen.
Sidoo kale Dadkii deganaa degmada Guriceel ayaa isaga barakacay kuwaas oo ka cabsi qaba in uu saameeyn ku yeesho Abaabulka dagaal ee ka socda Halkaasi.