Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Muqdisho oo Caawa ah Alloow Sahal

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa kacsan iyadoo Ciidamo kala taabacsan Midowga Musharixiinta iyo Dawlada Madaxweyne Farmaajo ay buux dhaafiyeen wadooyinka Muqdisho.

Baabuur badan oo ku dagaalka ah ayaa caawa lagu arkaya muqdisho  waxaana labada dhinac ay u muuqdaan kuwo markasta dagaal uu dhexmari karo.

Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka ayaa caawa xiray wadooyinka laga galo madaxtooyada iyo jidadka kale ee soo gala taalada Daljirka Daahson kuwaas oo u muuqda in ay diidan yihiin dibad baxa beri mucaradka ay qorsheeyeen.

Dhinaca kale ciidamo military ah oo taabacsan midowga musharixiinta ayaa wadooyinka buux dhaafiyay kuwaas oo iyana sugaya Amniga midowga musharixiinta iyo Taalada Daljirka Daahson oo uu beri dibad baxa ka dhici doona.

Xaalada ayaa caawa ah Allow sahal waxaana Dadka shacabka ay Farta ku hayaan wadnaha kuwaas oo ka cabsi qaba in dagaal uu dhexmaro .

Ciidamada Taabacsan Madaxweyne Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta

Hadaba Wixii warar ah oo ku soo kordha xaalada Muqdisho waa aan idiin soo gudbin doonaa inshaa Allaah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com