Wararkii ugu dambeeyay weerar askar lagu dilay oo ka dhacay Muqdisho

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa iska horimaad hubeysan oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Iska horimaadkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Militariga iyo Booliska Degmada Kaaraan kuwaasi oo maal-mihii lasoodhaafay iskahor imaad kudhexmaray xarunta degmada.

Weerarka ayaa yimid markii Ciidamada Militariga ay weerareen askar ku sugneyd afaafka hore ee Xarunta Degmada Kaaraan.

Weerarkan ayaa lagu dilay saddex ka mida Ciidamada Booliska ee Xarunta Degmada Kaaraan ilaaliya, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmadaasi, Abshir Maxamed Maxamuud, isagoo intaa ku daray in ciidamadii weerarka soo qaaday ay horey u sii qaateen qoryihii askarta la dilay.

Ciidanka Militariga ee weerarka gaystay ayaa la sheegay inay ka careysan yihiin weerar Axadii lagu qaaday hoyga uu Degmada Kaaraan ka degan yahay Korneyl Maxamuud Axmed Masdile, oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa caawa sheegay in lala xisaabtami doono kuwii ka masuulka ahaa weerarka lagu dilay saddexda askari ee Booliska Kaaraan ka tirsanaa.

Korneyl Masdile oo mar sii horeysay ka hadlay weerarka lagu qaaday hoygiisa ayaa sheegay in laga kaxeystay saddex askari iyo laba qof oo rayid ah iyo weliba hub uu lahaa.

Korneyl Masdile ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid xadgudub ah, isla-markaana ay Dowladda Federaalka qaadi doonto cawaaqib xumada ka dhalata.

Maamulka Degmada Kaaraan ayaa xilligaa Korneyl Masdile ku eedeeyay in uu ka masuul ahaa dagaal ay dad ku dhinteen oo Sabtidii ka dhacay barta kala dhaxeysa Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis.

Muqdisho waxaa ku soo noqnoqday isku dhacyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ee magaalada ku wada sugan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com