Wararkii Ugu Dambeeyay shirka ka socda Xaruunta Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda war-murtiyeed ka soo saaraan shir uga socday Magaalada Muqdisho.

Shirka oo soo bilowday habeen hore, ayaa ku saabsan dhammaystirka Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, gaar ahaanna Jadwalka Doorashada 2020/2021 iyo dhismaha guddiyadii ka shaqayn lahaa Doorashadaas.

Wararkii u dambeeyay ee Madaxtoouyada Soomaaliya laga helayo, waxay sheegayaan in isfaham laga gaaray Shirka,  islamarkaana la isku afgartay dhismaha saddex gudddi oo ku shuqul leh Arrimaha Doorashada.

Saddexda Gudi oo kala ah Guddiyada Doorashada heer Federaal & heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada kuwaas oo ay kala magacaabi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

War-murtiyeedka Shirka, ayaa lagu wadaa in looga hadlo  Qodobada ay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku shirsan Muqdisho

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com