Iyadoo Magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka looga hadlayo Hannaanka doorashada oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa Waxaa sidoo kale kusoo biiray Madax kale oo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya
Illo Wareedyo ayaa sheegaya in shirka ay kusoo biireen guddoomiyaha Golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Wararka ayaa sheegaya in kusoo biirista Mursal ay muhiim tahay Shirka sababtoo ah heshiis kasta oo la gaaro waxaa la horgeyn doonaa baarlamanka, sidaas darteedna waxaa laga fursan waayey in Mursal uu talo ku yeesho qodobada lagu heshiinayo.
Dhinaca kale Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku adkeysanaya “ Inaysan doorashadan maamulin Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, taas bedelkeed la sameeyo Guddi heer Federaal iyo heer dowlad goboleed,
In doorashada aanan xisbi lagu gelin iyo In deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo.
Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa intooda badan isku dhinac noqday, iyadoo xitaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo wax ka saxiixay heshiiskii Dhuusamareeb 3 ay doonayaan in wax laga bedelo qodobada qaarkooda.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com