Wararkii ugu dambeeyay Shirka ka socda Dhuusamareeb oo meel xasaasi ah maraya iyo Beesha caalamka oo soo fara gelisay

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka ka socda Halkaasi uu galay Marxalad Xasaasi ah ka dib markii Madaxweyne farmajo iyo Axmed \Madoobe ay isku qabteen arinta gobolka Gedo

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubland Axmed Madoobe ayaa si fool ka Fool u kulmay iyadoo Madaxweyne Farmaajo la sheegay in si cad uu uga soo horjeestay dalabka Axmed Madoobe uu hore shirka uu u hordhigay taasi  oo uu sharuud kaga dhigay in marka hore Garbahareey maamulkeeda lagu soo wareejiyo lana geeyo Ciidamo Amisom oo isku dhaf ah.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ee  kala ah Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay diideen in ay isku tanaasulaan.

Hase ahaatee, Beesha caalamka ayaa soo kala dhex gashay khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Axmed Madoobe iyadoo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ay xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya ay ka diideen in shirka Dhuusamareeb uu ka soo tago  si  uu uga qayb galo shir  deg deg uu isugu yeeray labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda ku shirsan Dhuusamareeb in ay ka heshiiyaan khilaaf ka taagan doorahada

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com