Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa wali ka socda Shir u dhaxeeya Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ku sugan Guddiga ka baarandagga doorashooyinka oo soo bandhigay dhowr nooc oo doorasho oo loogu tala galay in Madaxda Dhuusamareeb ku sugan ay kala xushaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaa ku bixinaya in natiijo uun kasoo baxdo Shirkaasi oo ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay doorteen nooca doorasho taasoo ah Doorasho Ergo Deegaameysan oo qaabkii 2016 wax lagu daray, waxaa la kordhinayaa deegaanada lagu dooranayo Xildhibaanada, Ergada codeyneysa oo Biometric ah, xulista ergada oo lala qeybsanayo Odayaasha dhaqanka sida inay qeyb ka noqdaan Aqoonyahanada.

Beesha Caalamka ayaa waddo dadaallo ku aadan sidii maamulada Puntland iyo Jubbaland loogu qancin lahaa in ay ka qeyb galaan Shirka.