Madaxweynahamaamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Muqdisho kula yeeshay siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada Somaliland
Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland oo la kulmay siyaasiyiinta waqooyi ee uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kala hadleen xallinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland.
Kulankii xalay ayaa looga hadlay sidii siyaasiyiinta Waqooyi ugu heshiin lahaayeen guddiga doorashooyinka ee dhinaca Somaliland, iyadoo shirkii Baydhabo ka dhacay 16 Febraayo la isla gartay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Sidoo kale kale, waxaa xalay Muqdisho ku kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana ay ka wada-hadleen xallinta muranka arrimaha doorashooyinka.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com