Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Beirut

Waxaa isa soo taraya khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay qaraxii weynaa ee gelinkii dambe ee maanta ruxay Magaalada Beirut ee Caasimadda Lubnaan.

Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Hamad Hassan oo booqanayay isbitaal ku yaala Magaalada Beirut ayaa kula hadlay Warbaahinta, waxaana uu sheegay in 30 qof ku dhimatay qaraxaasi, halka 2500 oo kalana ay ku dhaawacantay.

Wasiirka ayaa sheegay inaanu garanayn wax uu ku macneeyo dhibka uu gaystay qaraxaasi, ha yeeshee waxaa uu yiri “Waa aafo ku dhacday dareen kasta oo erey ah.”

Wasiirka oo daqiiqado ka hor wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee AP ayaa sheegay in dhimashada ay sii caga cageyneyso 50 qof iyo dhaawaca 2,750 qof oo kale.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo dacalka ku haysa Dekeda Magaalada Beirut ayaa waxaa ku yaala bakhaaro lagu keydiyo walxaha qarxa, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA.

Major General Abbas Ibrahim, Agaasimaha Guud ee Amniga ayaa mar sii horeysay waxa uu sheegay in goobtaasi ay ku yaallaan bakhaarada lagu keydiyo walxaha qarxa.

Wasiirka Difaaca Maamulka Yahuudda, Gabi Ashkenazi ayaa beeniyay warar ay baahineyso Warbaahinta Lubnaan qaarkeed, oo sheegaya in qaraxaasi ay ka dambeysay Israel.

“Waxa uu ahaa shil sababay qariq, waxaanse u soo jeedinayaa taxadar la xiriira qiyaasaha. Ma arko sabab macquul ah oo aan u rumeysto wararka ka imanaya Beirut.” Ayuu yiri Gabi Ashkenazi oo la hadlay Channel 12.

Javad Zarif, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa dhankiisa sheegay in Xukuumadda Tehran ay reer Lubnaan diyaar ula tahay caawinaad kasta oo loo baahan yahay, sida uu k u sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson ayaa wax naxdin leh ku tilmaamay sawirada iyo muuqaalada kale ee ka imaanaya Magaalada Beirut, isla-markaana uu duco uga filan yahay dhibane-yaasha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ku biiriyay Madaxda Caalamka ee reer Lubnaan uga tacsiyadeyneysa dhibaatada ka soo gaartay qaraxan, oo noqonaya kiisii ugu darnaa ee ebid ka dhaca magaalo madaxda dalkaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com

P