Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay dagaal Ciidamada Booliska & Militariga ku dhexmaray Degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidamada Booliska ah galeen xaafadaha Kaawo Godey & Tarabuush, halkaasi oo ay rabeen Booliska inay ka sameeyaan Baaritaano, kadib markii looga shakiyay Xaafadahaasi hoobiye xalay in laga tuuray.

Intaas kadib ayaa Ciidanka Booliska ee waday Howgalka waxaa la tilmaamay inay isku dayeen in baaritaano ay ku sameeyaan Guri uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabo Bile Af-dheere, hayeeshee ay iska caabin kala kulmeen Ciidamo Milateri ah oo la joogay Sarkaalkaas.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku geeriyooday Afar ruux oo shacab ah, halka dad kalena dhaawac uu soo saaray, kuwaasi oo qaarkood deganaa guryo Jiingado ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filiah, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Xijaar ayaa ku baxay dagaalka ka dhacay Wadajir, iyagoo kala dhex-galay Ciidamada, sidaasina uu ku joogay dagaalka oo socday mudo ku dhow hal saac.

Dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Wadajir ayaa loo balan san yahay maanta inay si rasmi ah uga wada hadlaan labada dhinacyadii dagaalamay, si loo xaliyo Khasaaraha dagaalkaasi ka dhasha

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com