Wararkii ugu dambeeyay iyo xaalada Magaalada Baladweyne iyo banaanbax ka dhacay oo khasaare geystay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya xaaladu ay degantrahay ka dib markii maanta Beledweyne uu ka dhacay Banaan bax balaaran.
dibad baxa ayaa ka dambeeyay ka dib markii Dad ku nool xaafadaha Magaalada Baladweyne saaka ku soo waabariistay ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyey waddooyinka iyo xaafadaha qaar ee magaaladaasi..
Ciidamada oo isugu jira kuwa dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa howl-gallo ballaaran ka bilaabay halkaasi, iyaga oo go’doomiyey magaalada oo dhan.
Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga dhigay in ka badan illaa 50 qof oo u badan dhalinyaro iyo dad kale oo la shaqeynayey jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud, sida afhayeenka jabhaddaasi oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Xuubey.
Waxaa sidoo kale maanta Beledweyne ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeedo dowlad goboleedka HirShabelle.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dadka dhigayey dibad-baxyada, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaaawacyo ay geystay rasaastaasi.
Xaaladda Beledweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay kacsaneyd, waxaana magaalada ka jiray xiisad u dhexeysa Maamulka HirShabelle & Jabhada uu Hogaamiyo Janaraal Xuud oo diidan in magaaladaasi uu tego madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Guudlaawe.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com