Wararkii Ugu dambeeyay iyo Qodobada looga hadlay shirka Golaha Wasiirada

Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda xilgaarsiinta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay Qodobada kala ah, abaaraha ,amniga iyo saameynta Cudurka COVID-19.

Sidoo kale , Golaha Wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta ayaa warbixinno la xiriira amniga ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan khataar  dhinaca amniga ah.

Madaxda Wasaarada Caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee safmarka COVID-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegtay in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira.

Gaba gabadii , Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxuna goluhu ansixiyay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka oo soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com