Wararkii Ugu dambeeyay ee Kiisaska Cudurka Covid19

Tirada dadka 24-kii saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay 1,081, halka laga helay 135 qof.

110 ka mid ah dadkaas xanuunka laga helay ayaa ku sugan gobolka Banaadir. Halka inta soo hartayna ay ku kala sugan yihiin: Somaliland 15 qof , Koonfur-Galbeed 6 qof, Jubbaland 3 qof, iyo Galmudug oo hal qof.

Tirada labka ah ee dadka xanuunka laga helaya ayaa wasaaradda caafimaadku ku sheegtay 71 qof, halka dhedigguna ay yihiin 64 qof.

Soomaaliya: tirada guud ee laga helay xanuunka COVID-19, tan iyo markii xanuunku uu bilowday ayaa wasaaraddu ku sheegtay in ay tahay: 7,392

Dadka xanuunka ka bogsaday ee la diiwaan geliyay ayaa lagu sheegay 3,814 oo qof.

Halka dadka u dhintayna ay gaarayaan243 oo qof.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com